Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey heshiiskii doorashada 2020-2021


Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiskii ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

255 xildhibaan oo kullanka maanta fadhiday ayaa 252 ka mid ah waxa ay u codeeyeen meelmarinta heshiiska, laba xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaanna uu ka aamusay.

Heshiiskan oo 17-kii bishan September ay gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhigaya in doorashada oo ah mid dadban ay waqtigeeda ku dhacdo.

Heshiiskan laguma xusin doorka Guddigii Doorashada Qaran, iyo waxa laga yeelayo xeerkii doorashada ee uu Baarlamanka Soomaaliya horey u ansixiyay, Madaxweynuhuna uu saxiixay, oo dhigayay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Haddaba, wariyaha VOA Cabduqaadir Cumar Cabdulle oo shirkaasi sida uu u dhacay goobjoog u ahaa ayaa warkan noo soo diray.

Baarlamaanka oo meelmariyay heshiiskii Doorashada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00


XS
SM
MD
LG