MUQDISHO —
Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 17-kii bishan September.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor codka kalsoonida ka hadlay qodobo uu sheegay inuu muhiimadda siin doono oo ay ka mid yihiin amniga, doorashada, dhaqaalaha, bixinta adeegga, garsoorka iyo qodobo kale.
Haddaba qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Muqdisho ayaa aragtidooda ka dhiibtay hawlaha horyaalla Ra’iisul Wasaaraha cusub mudada kooban ee uu heysto.
Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa weydiisay aragtidooda.