Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay yihiin shaqooyinka horyaalla ra'iisul wasaaraha cusub?


Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 17-kii bishan September.

Dhammaan 215-kii xildhibaan ee fadhiday kulanka ayaa maanta codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo aysan jirin cid ka aamusatay ama diidday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor codka kalsoonida ka hadlay qodobo uu sheegay inuu muhiimadda siin doono oo ay ka mid yihiin amniga, doorashada, dhaqaalaha, bixinta adeegga, garsoorka iyo qodobo kale.

Haddaba shaqada iyo hawlaha horyaalla Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa weriyahayaga Ridwaan Xaaji Cabdiweli uu ka waraystay Dr. Maxamed Xuseen Gaas oo bare ka ah Jaamacadda Oslo ee dalka Norway.

Maxay yihiin shaqooyinka horyaalla ra'iisul wasaaraha cusub?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:03 0:00


XS
SM
MD
LG