Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyey ra'iisul wasaare Rooble


Maxamed Xuseen Rooble

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 17-kii bishan September.

Dhammaan 215-kii xildhibaan ee fadhiday kulanka ayaa maanta codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo aysan jirin cid ka aamusatay ama diidday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor codka kalsoonida ka hadlay qodobo uu sheegay inuu muhiimadda siin doono oo ay ka mid yihiin amniga, doorashada, dhaqaalaha, bixinta adeegga, garsoorka iyo qodobo kale.

Shaqada ugu horreysay ee hortaalla ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah inuu soo dhiso xukuumad cusub oo dalka ka gudbisa marxaladda kala guurka ah, islamarkaana ka shaqeyso sidii loo fulin lahaa heshiikii lagu gaaray madaxtooyada 17-kii bishan, ee arrimaha doorashooyinka.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdicasiis Axmed Barrow.

Soomaaliya Baarlamanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyey ra'iisul wasaare Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG