Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan Muqdisho ku dhex maray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada


Madaxda Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya

Kulan wadajir ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa la sheegay in la iskaga soo dhowaaday khilaaf u dhexeeyey labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya – Waa Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo in muddo ah isku khilaafsanaa hannaanka ansixinta shuruucda iyo qorshaha doorashada.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Kulan Muqdisho ku dhex maray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:17 0:00


XS
SM
MD
LG