Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Casharo hore ‘oo uu wax ka baran karo’ ra’iisul wasaaraha magacaaban


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Dowladda faderaalka ah, hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa dhowaan heshiis la xiriira arrimaha doorashada ay ku gaaray magaalada Muqdisho.

Wax-yar kadib heshiiskaas ayaa waxa uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magacaabay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Magacaabista ayaa timid heshiiska kadib, waxaana horyaalla ra’iisul wasaaraha howllo badan oo ay ugu horeyso dhismaha gole wasiirro oo ka shaqeeya marxaladda Soomaaliya ay doorasho ugu gudbeyso.

Aqoonyahan iyo siyaasiyiin badan ayaa soo jeedinaya si looga gudbo marxalad kale oo is-qab-qabsi siyaasadeed ku dhisan in ra'iisul wasaaraha uu cashar ka qaato marxaladihii kala guurka ahaa ee hore.

Warbixintan waxaa Muqdishi kasoo diray Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Axmed Barrow.

Casharo hore ‘oo uu wax ka baran karo’ ra’iisul wasaaraha magacaaban
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:21 0:00


XS
SM
MD
LG