Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamed Xuseen Rooble oo codsi u diray golaha shacabka


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa codsi uu u diray xildhibaanada golaha shacabka waxa uu kaga codsaday inay siiyaan codka kalsoonida.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyey baraha madaxtooyada Soomaaliya ayaa Roovble waxa uu ku yiri “Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Waxa uu intaas ku daray “Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.”

Baarlamanka ayaa la filayaa in isla toddobaadkan ay codka kalsoonida u qaadaan Maxamed Xuseen Rooble, waxaana haddii la meel-mariyo magacaabistiisa kadib laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad cusub.

Xukuumadda cusub ayaa laga doonay inay dalka ka gudbiso marxaladda kala guurka ah, islamarkaana ka shaqeyso sidii loo fulin lahaa heshiikii lagu gaaray madaxtooyada 17-kii bishan, ee arrimaha doorashooyinka.

XS
SM
MD
LG