Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay heshiishkii ay Khamiistii Muqdishu ku gaareen dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay casho sharaf lagu soo gunaanadayay heshiiskaasi ayaa sheegay in uu ka tanasulay mowqifkiisii ku aadanaa in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya, ka dib markii sida uu hadalka u dhigay ay xaaladdu meel xun gaartay oo shanta maamul goboleed ay ka soo horjeesteen.
Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.
Haddaba, khudbaddaasi Madaxadweyne Farmaajo muxuu nuxurkeedu ahaa? Maxamed Colaad Xassan ayaa su’aashaa iyo kuwu kaleba weydiiyay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, degganna gobolka Virginia ee duleedka Washington.