Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Reysal wasaare cusub magacaabay


Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Sep 17-2020 Reysal wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. Rooble ayaa baddali doona reysal wasaarihii isaga ka horeeyay, Xasan Cali Kheyre.

Golaha shacabka ayaa fadhi sharci ahaanshiyihiisa dood badan la geliyay ay xilkii kaga qaadeen Kheyre, bishii July.

Wixii markaa ka dambeeyay, waxa howsha si kumeel gaar ah u waday xukuumaddii Kheyre, iyadoo reysal wasaare ku xigeenkiissii, Mahdi Maxamed Guuleed, uu sii haye noqday.

War ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegey in madaxweynuhu uu farayo reysal wasaaraha cusub in uu si deg deg ah usoo dhiso xukuumad cusub oo dalka u horseedda in ay ka dhaqan gasho doorasho.

Arrintani ayaa waxay imaaneysaa iyadoo isla maanta uu madaxweynaha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay heshiis ka gaareen qaabka doorashada dalka ka dhici doonta.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa inala socodsiineysa taariikhda kooban ee reysal wasaaraha cusub.

Dhageyso Taariikhda Reysal wasaaraha cusub, Maxamed Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:00 0:00


XS
SM
MD
LG