Hindise sharciyeedka danbiyada jinsiga ayaa ahaa mid dood weyn ka dhex dhaliyey baarlamanka Soomaaliya waxaana ay hoggaanka baarlamanku u arkeen inuu yahay mid meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo diinta Islaamka.
Waxaa hadallo kul-kulul oo canbaareyn iyo diidmo ah kala hortegey sharcigan qaar ka mida xubnaha baarlamanka.
Haddaba muxuu yahay sharcigan? Baahi intee la eg ayaa xiligan loo qabaa? Maxaase ka jira eedaha loo soo jeediyey? Waxa Barnaamijka Bandhigga VOA ku faahfaahineysa Falastiin Axmed Iimaan.