Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Halka uu marayo kiiska kufsiga iyo dilka Xamdi


Dalka Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay aad u kordhay tacadiyada ay kamidka yihiin kufsi wadeeradka iyo dilalka loo gaysanaayo dumarka Soomaaliyeed.

Dhacadii u dambeeysay waxay ahayd mid toddobaadkii la soo dhaafay muqdisho loogu geystay gabar dhallinyaro ah oo kufsi iyo dil la isugu daray.

Haddaba booliiska magaalada Muqdishu ayaa maanta qabtay shir jaraa'id oo ay kaga hadlayaan kusfiga ka dhacay Muqdishu iyo baaritaanka ay wadaan.

War uu boolisku soo saaray ayuu ku sheegey in kiiskaasi loo qabtay toban iyo kow qof, halka kuwa kalena lagu raad joogo.

Warka ayaa intaasi ku daray in maxkamad ay sii daysay laba ruux oo ay sheegtey in kiiskan aysan wax shaqo ah ku laheyn, balse marka loo baahdo ay diyaar yihiin, sida lagu yiri warka booliska uu soo saaray.

Haaruun Macruuf ayaa halka uu marayao baaritaanka booliiska ka waraystay Afhayeenka booliska Soomaaliyeed Dhamme Saddiiq Aadan Cali.

Wareysi afhayeenka booliska Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00


XS
SM
MD
LG