Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha caalamka oo soo dhaweysay shirka Muqdisho


Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wada-hadalka dib uga billowdey Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

War ay xubnahaasi soo saareen ayay ku sheegeen inay ku ammaanayaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamullada dib-u-billaabidda shirkaasi.

Waxay beesha caalamku warkooda ku sheegeen inay ugu yeerayaan dhinacyada shirka inay gaaraan heshiis rasmi ah oo dhabbaha u xaara nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Waxay xubnuhu sheegeen inay ku han-weyn yihiin in sidoo kale wadatashiyada lagu daro xubnaha saamileyda siyaasadda, si heshiisyada la gaarayo ay u noqdaan kuwa loo dhan yahay oo la dhaqan geliyana.

Warka xubnaha beesha caalamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in ay ugu yeerayaan hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ay hagto danta dalka iyo hammiga dimuqraaddiyaded ee shacabka Soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah.

Xubnaha warka soo saaray ayaa kala ah: Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Japan, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States of America, iyo Q.M.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG