Ciidamada ammaanka ee magaalada Baladweyne ayaa sameeyay howl-gallo lagu bartilmaameedsanayo kooxo diley hoggaamiye ka tirsanaa kooxda Macwiisleyda ee la dagaalanta al-Shabaab.
Dablay la sheegay inay ka tirsan al-Shabaab ayaa xalay weeraray guri uu ku jiray ninkaasi, waxayna dileen isaga iyo gabadh ay ehel ahaayeen. Xuseen xasan Dhaqane ayaa warbixintan noo soo diray.