Magaalada Muqdisho waxa ka furmey shirka madaxda dowladda federaalka ah, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka shirka, sida lagu sheegey war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada.
Warka ayaa lagu yiri “Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”
Shirkan ayaa daba socda shirarkii Dhuusamareeb ee hore looga arrinsaday arrimaha doorashooyinka, waxana shirkii ugu dambeeyay qaaddacay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo haddase goob joog ka ah shirkan.
Xasan Kaafi Qoyste ayaa warkan Muqdisho ka soo direy.
Facebook Forum