Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Ciidamo soo qabtay waxyaabaha qarxa


Ciidamada booliska Jubbaland oo hawl-gallo ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay bambooyin iyo waxyaabo qaraxyada loo adeegsado.

Ciidamada ayaa sheegey in waxyaabaha ay soo qabteen ay lahaayeen kooxda al-Shabaab oo ay ku eedeyeen inay doonayeen inay qaraxyo kaga geystaan Kismaayo.

Dhinaca kale, mas'uulyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee gobolka Gedo, ayaa sheegey in dagaal ay ku qaadeen maleeshiya ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo wax ay ugu yeereen sako ka aruursanayay deegaan u dhow degmada Baladxaawo.

Waxay madaxdu sheegeen in ay soo badbaadiyeen dad ay Shabaabka qafaal u heysteen. Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan soo direy.

Howlgallo amni oo laga sameeyay Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00


XS
SM
MD
LG