Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa sababay in ay kordhaan weerarada Al-Shabaab?


Maleyshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kordhiyey weerarrada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya.

Ilaa toddobo weerar oo dhaliyay khasaare kala duwan ayay maleeshiyaadku toddobaadkii la soo dhaafay ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo Maraykanka, iyagoo sidoo kale weeraray goobo dad rayid ah.

Aqoonyahanno ku xeeldheer arrimaha amniga ayaa sheegaya in weerarada soo cusboonaaday ee Al-Shabaab ay sabab u yihiin laba arrimood oo kala ah habacsanaan ka jirta hay’addaha nabad-gelyada Soomaaliya iyo mas’uulyiinta Soomaaliya oo aanan isku mowqif ka aheyn la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Haddaba, wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan arrintan ku saabsan noo haya.

Falanqeyn: weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00


XS
SM
MD
LG