Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dilalka wariyayaasha oo la baarayo


Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa shalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay, xeer ilaaye u gaar ah dambiyada laga galo wariyeyaasha, kaas oo dabagal iyo baaritaanka ku sameynayn doona dilalka iyo iyo tacaddiyada kale ee loo geysto suxufiyiinta.

Magacaabista kadib ayaa waxaa ka falceliyay, oo dareenkooda muujiyay, ururrada u dooda xuquuqda wariyeyaasha.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Samakaab ayaa qadka telefonka kula xiriiray, guddoomiyaha ururka Isu-tagga Saxufiyiinta Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Maclimuu, waxuuna weydiiyay waxa xilligan kusoo beegay in dacwad ooge u gaar ah loo sameeyo dambiyada laga galo wariyaasha?

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG