Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Raaso: Ciidamo lagu eedeyay inay dad shacab ah laayeen


Wararka naga soo gaaraya degmada Raaso ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya, in ugu yaraan 5 qof la dilay in ka badan 20 kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen, kaddib marki Khamiistii aanu kasoo gudubnay ay ciidamo la sheegay in ka tirsanyihiin kuwa kililka Soomaalida ay rasaas ku fureen dad u badnaa carruur iyo haween oo dhigayay mudaaharaad cabasho ah.

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka oo codsaday in aanan la magac-dhabin sababo xagga amniga ah, ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada rasaasta ku furay dadka mudaaharaadayay ay ka tirsanyihiin kuwa Liyuu Booliska ee sida milatariga oo kale u tababaran.

Dhinaca kale, dhacdadaasi degmada Raaso ka dhacday Khamiistii, ayuu Nuur Bukhaari ka wareystay Dr. Hussein Hashi Sheekh Qasem oo ah madaxa hoggaanka amniga dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo codsaday inaanan magaciisa la baahin sababo la xiriira amaankiisa. Waxana ku horeynaya odey dhaqameedka.

Shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Raaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:12 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG