Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo xaqiijiyay inay duqeyn ku dileen sarkaal Shabaab ah


Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in duqaynta dhacday 25-kii Ogosto lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee ururka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu soo qabtay jagooyin kala duwan Al-Shabaab dhexdeeda, iska markaana uu Taliye Sare ka ahaa ururka markii u dambaysay.

Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa duaaynta lala beegsaday waxay ka dhacday nawaaxiga Saakow ee Jubbada Dhexe.

Xaqiijinta Maraykanka ayaa imanaysa maalin kadib markii Al-Shabaab ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka oo ku taalla Janaa Cabdalle oo Galbeed ka xigta Kismayo.

XS
SM
MD
LG