Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle


Ciidamada Jubaland
Ciidamada Jubaland

Ciidamada dowlad gobboleedka Jubbaland, kuwa dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM oo 24-kii saac ee la soo dhaafay hawlgallo ka waday deegaano ku yaalla galbeedka gobbolka Jubada Hoose ayaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa ah deegaan muhiiim ah oo isku xira magaalada Kismaayo iyo deegaanno kala duwan oo ka kala tirsan Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose iyo sidoo kale gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan.

Hawlgalka ay ciidamada huwanta ah ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka iyo sidoo kale ciidamada wada socda, waxaana hawlgalkaasi inta la ogyahay ciidamada Jubbaland uga geeriyooday laba askari halka ay uga dhaawacmeen ilaa lix kale. Wali ma cadda khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaartay dagaalka.

Haddaba, wararkii ugu dambeeyya ee xaaladda Janaay Cabdalle ayaa waxaa Wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed uu ka wareystay Taliyaha guud ee Ciidamada Dowlad-gobboleedka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim, Aadan Koojaar.

Ciidamada oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan J. Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00


XS
SM
MD
LG