Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Aabbe wiilkiisa ku diley Jowhar


Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa aad uga naxay dhacdo Sabtidi aanu kasoo gudubnay magaalada ka dhacday, taasoo ah in aabbo ka mid ah dadka deegaanka uu wiilkiisa oo 23-sano jir ahaa intuu gacmaha iyo lugaha ka xiray, kaddibna ku tuuray wabiga Shabeelle ee dhex mara magaalada.

Sida ay VOA-da u sheegeen saraakiisha amniga ee Jowhar, meydka wiilka oo lagu magacaabi jiray Xasan Muxumad Dhaayow ayaa laga helay webiga, waxaana Talaadadi shalay lagu aasay tuulada Bayaxow ee duleedka magaalada Jowhar.

Haddaba faah-faahinta dhacdadani ayuu wariyaha VOA-da Nur Bukhari uu ka wareystay, taliyaha saldhiga booliska magaalada Jowhar, dhamme Maxamed Siyaad Cali.

Aaabe wiilkisa intuu gacmaha ka xirey wabiga Jowhar ku tuurey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00


XS
SM
MD
LG