Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ka hor inta uusan u amba bixin magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxa uu tababar usoo xiray ilaa 620 askari oo kamid noqonaya ciidamada Maamulka Jubaland.
Ciidamadaasi ayaa la sheegey inay soo dhamaystay tababar militari oo qaatay illaa lix bilood oo ay bixinayeen saraakiisha ciidamada Jubbaland.
Axmed Madoobe oo ka hadlayay munaasibadii tababarka loogu soo xiray askrta ayaan sheegay inay isku diyaariyn weerar ay ku qadaan deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan noo soo diray.