Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti Suuriyaan ah oo gaaray Dhuusamareeb


Qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool Lubnaan
Qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool Lubnaan

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay gaareen qoysas u dhashay wadanka Suuriya oo in muddo ah ay dagaalo ka socdaan.

Qaxootigan oo isugu jira rag, haween iyo caruur ayaa la sheegay in Soomaliya dhowaan soo gaareen, waxaana qeybta gaartay Dhuusamareeb oo 14 qof ah soo dhoweeyey maamulka Galmudug.

Wariyaha VOA Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa arrimaha qaxootigan Suuriya u dhashay wax ka weydiiyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle.

Wareysi: Qaxooti Suuriyaan ah oo gaaray Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

Dhanka kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah uga furmay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka labaad ee Galmudug. Xaflad lagu furayay ayaana lagu qabtay magaalada, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha GalmuduG iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka federalka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.

Warbixin uu furmidda baarlamanka Galmudug ku eegayo waxaa Gaalkacyo nooga soo diray wariyahayaga Cabdiwaaxid Macalin Isaaq.

Kalfadhigii Baarlamaanka Galmudug oo furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:51 0:00


XS
SM
MD
LG