Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Go'aanno ka soo baxay shir u socday madaxda Puntland iyo Jubbaland


Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo labadii maalmood ee la soo dhaafay shir wadatashi ah uga socday magaalada Garoowe ayaa maanta soo saaray war murtiyeed ay ku sheegeen intii shirka u socday in ay wada hadallo khadka taleefanka la galeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada, si xal mideysan loogu helo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale war murtiyeedka ayaa lagu xusay in shir wadatashi ah la isugu imaan doono magaalada Muqdisho si loo gaaro xal siyaasadeed la isla ogolyahay oo ku aadan qabsoomidda doorashada 2020/2021-ka.

Wariyaha VOA Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan ka soo diray Garoowe.

War murtiyeed ay soo saareen Puntland iyo Jubbaland
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00


XS
SM
MD
LG