Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab


Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa sheegay in duqayn lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos maanta kadib duqayn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in duqaynta lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Hase yeeshee wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya SONNA ayaa sheegtay in duqaynta ay ka dhacday tuulada Cadaad Gari oo ku taal inta u dhaxeysa magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere, laguna dilay Cabdulqaadir Kumaandoos.

Kumaandoos ayaan ka tirsanaan jiray Xisbul Islam ka dibna waxa uu ku biiray Al-Shabaab sannadkii 2011.

Markii uu ka mid noqday Al-Shabaab waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa madaxda malayshiyada Al-Shabaab. Waxaa kaloo la sheegay inuu ku lug lahaa afduubyada.

Dadka yaqaanna waxay sheegeen in uu horey u ahaan jiray askari xilligii dowladdii militariga ee Maxamed Siyaad Barre.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG