Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Wanlaweyn oo laba ruux ay ku dhimatay


Laba ruux ayaa ku dhimatay seddex qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay suuq ku yaalla degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegey in uu ahaa miino dhulka lagu aasay, kaas oo aan illaa iyo hadda la ogeyn cidda ka dambeysa.

Ciidamo boolis ah ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo baaritaanno la xiriira qaraxa sameeyay.

Kooxda Shabaab ayaa inta badan geysata qaraxyada miinooyinka, iyagoo bartilmaameedsada goobaha ay kusugan yihiin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

XS
SM
MD
LG