Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xukunno lagu ridey saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka


Maxakamad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xabsiyo iyo ganaax ku xukuntay afar sarkaal oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, kadib markii lagu heley eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunnadan ku kala ridday agaasimhaa Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu xukumay sagaal sano o xarig ah iyo ganaax dhan 2,366 dollar.

Sidoo kale agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka Maxamuud Buulle Maxamuud ayaa maxkamaddyu ku xukuntay 18 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 2,366 dollar.

Mahdi Abshir Maxamed oo isaguna ahaa madaxa xisaabaadka ee mashruuca wacyigelinta caafimaadka ayaa isagana ay maxkamaddu ku xukuntay 12 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 2,366 dollar.

Madaxa xisaabadka ee mashruuica malaariyada iyo HIV/AIDS Bashiir Cabdi Nuur ayaa sidoo kale ay maxkamadu ku xukuntay seddax sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 1,183 dollar.

Maxkamadda ayaa xubnahan dhammaantood ku heshay xatooyo xoolo dadweyne.

Xasan Kaafi Qoyste, ayaa warbixintan Muqdisho ka soo direy.

Maxkamad xukuntay eedeysanayaal
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:49 0:00


Maxkamaddu waxay eedihii loo haystay ku weysay shan qof oo kale oo ka tirsan isla wasaaradda Caafimaadka, waxaana la siiyey xorriyaddooda.

XS
SM
MD
LG