Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markabka Ocean 11 oo ku soo xirtay dekedda Boosaaso


Dekedda Boosaaso
Dekedda Boosaaso

Waxaa maanta dekedda magaaladda Boosaaso soo gaaray markabkii shidaalka siday ee Ocean 11 ee horay ugu ciladoobay xeebta degmada Bareeda halkaasi oo uu ku sugnaa muddo dhowr cisho ah.

Sarkaalka ka tirsan ciidamada Puntland ayaa VOA u sheegay in maamulka Puntland uu markabkaas saari doono ciidamo ilaaliya oo geyn doona dekedda magaalada Muqdish.

Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in ay ogaadeen in qaar ka mid ah ciidamo uu maamulka Gardafuu horay u saaray markabka ay kala degeen markabkaasi saddex qori oo ah nooca shiishka leh, ayna maamulka Puntland ku daba jiraan sidii looga soo celin lahaa dadkii uu hubkaas uu gacantooda galay.

Markabkan ayaa wuxuu sidaa shidaal u raran ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna ku wajahnaa dekedda magaaladda Muqdisho, haseyeeshee waxaa ku timid cillad dhinaca matoorka ah, taasoo hakisay in uu socodkiisa sii wato.

XS
SM
MD
LG