Guddoomiyaha Gardafuu ee Puntland, Muuse Saalax Guuleed, ayaa beeniyay war sheegaya in deegaankaasi ay kooxo burcad badeed ah ka qafaasheen markab.
Shalay, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa guddoomiye Muuse sheegtay in lix burcad badeed ah ay qafaasheen markab sitey calanka dalka Panama, oo ka yimid Imaaraadka Carabta kuna jeeday Muqdisho. Hasa-yeeshee, Muuse ayaa arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay. Waxa uu la hadlay wariyaha VOA Faadumo Yaasin Jaamac.
Facebook Forum