Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Dhuusamareeb 3 oo lagu heshiiyay qabashada doorasho dadban


Shirkii Dhuusamareeb Seddax ayaa waxaa laga soo saarey warmurtiyeed ku aaddan nooca doorasho ee la qaadanayo. Noocan doorasho ee ay dhinacyadu isku raaceen ayaa ka duwan tii hore madaxweynuhu u doonayey oo aheyd qof iyo cod.

Dhinacyada shirka, oo ay ka maqnaayeen maamullada Jubbaland iyo Puntlad, ayaa isku raacay qabashada doorasho loogu magac daray deegaanka doorasho, oo aan aheyn doorasho qof iyo cod.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in qaabkan cusub ee lagu xusey warmurtiyeedka uu yahay mid wali u baahan waqti ka badan muddada u hartey dowladda hada jirta.

Haddaba, warmurtiyeedkani ma daboolayaa baahidii loo qabey hannaan doorasho oo Soomaalidu isku raacsan tahay? Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo heysa Falastin Axmed Iiman.

Dhuusamareeb 3 oo lagu heshiiyay in la aado doorasho dadban
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:29 0:00


XS
SM
MD
LG