Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha caalamka oo baaq ka soo saaray shirka Dhuusamareeb 3


Xubnaha beesha caalamka ee saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa sheegay inay muhim tahay in dhammaan madaxda Soomaalidu ay ka qayb qaataan shirka magaalada Dhusamareeb si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda is afgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21-ka.

Magaalada Dhuusamareeb waxa aku sugan madaxweynaha dawladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul goboleed ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxaan weli tegin madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo dhalliilay sida ay dawladda federaalka uga go’an tahay wadahadalladan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG