Laba askari ayaa ku dhimatay qarax galabta ka dhacay afaafka hore garoon kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaalla magaalada Baladweyne, sida ay ilo wareedyo sheegayaan.
Qaraxa oo aan la sheegin waxa sababay, ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo kale, oo midi rayid yahay.
Qaraxa ayaa dhacay xilli garroonka ay ka socotay ciyaar dhex mareysay kooxo ka dhisan magaalada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.