Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir ka tirsan Hir-Shabeelle oo lagu dilay Jowhar


Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle caawa toogasho agu dilay magaalada Jowhar. Dilka ayaa dhacay xilli uu usii socday gurigiisa, sida ay goobjogayaal sheegeen.

Wasiir ahna xildhibaan ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa caawa fiidkii lagu dilay Magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobaleedka Hirshabelle.

Marxuum Cabdiqaadir Abuukar Karaani, oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka ayaa todobaadkan gudihiis loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiirka ayaa lagu dilay fiidkii meel aan sidaa uga fogeyn gurigiisa oo ku yaala xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.

Dilka wasiirka oo la sheegay in uu geytay qof hubeysan ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska ayaa howlgal ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ilaa xiligan majirto qof loo soo xiray dilka wasiirka sidoo kalana laamaha Amniga wali wax war ah kama bixin cida ay ku tuhmayaan in ay dilka ka dambeyso.

Xidhibaanka ahna wasiirka caawa la dilay ayaa ka hor intii aan loo macagaabin Wasaarada Beeraha Hirshabelle wuxuu ahaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyada Maamulka Hi-Shabeelle.

XS
SM
MD
LG