Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii xabsiga dhexe ee Muqdisho oo shaqada laga joojiyay


Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Soomaaliya (Sonna), waxa shaqada laga joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Muqdisho gaashaanle sare Aadan Xuseen Kulmiye, sababo la xiriira weerarkii horraantii bisban ka dhacay xabsiga dhexe.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xilka taliyaha xabsiga dhexe si ku meel gaar ah ugu magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle, kana dalbaday inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe, sida ay Sonna tebisay.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo magacisa codsaday inaan la sheegin waxa uu VOA u sheegay in ilaa afar ka tirsan maxaabiista oo u xukuman Al-Shabaab inay ka tirsan yihiin ay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday ilaalada xabsiga.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad Cabdirahman waxa uu sheegay in maxaabiistu ay laba qori ka qaateen laba askari oo ay dileen.

Saraakiil dhinaca ambiga waxay sidoo kale VOA u sheegeen in maxaabiistu heleen bastoolado iyo bambooyin.

Mas’uuliyinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in 15 maxaabis ah ay ku dhinteen iska horimaadkaas ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana toddobo kale oo maxaabiis ahna la dhaawacay.

Taliska ciidanka asluubta yaa sidoo kale sheegay in afar askari ay dhinteen, mid kalena uu dhaawacay.

XS
SM
MD
LG