Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro dhimasho sababay oo ka kala dhacay Gedo iyo Baay


Wararka ka imanaya magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay magaaladaasi galabta, isla markaana dad badan ay waxyeello ka soo gaartay.

Dad magaalada deggan ayaa u sheegay idaacadda VOA in qaaxaasi uu ka dhacay goob ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla suuqa xoolaha.

Goob-joogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydka dhowr qof oo yaalla goobta qaraxu ka dhacay. Goobta suuqa ah ayaa la sheegay in lagu iibiyo xoolaha iyo sidoo kale qaadka. Suuqa ayaa ku yaalla xaafadda Siddeeda oo u dhow cisbitaalka degmada Buulo Xaawo.

Maamulka degmada ayaa idaacadda VOA u sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen lix qof, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kalena, ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degaanka Goofguduud Buuraay ee gobolka Baay, Isaaq Cali Isaaq, ayaa ku dhintay weerar ururka Al-Shabaab ay ka gaysteen degaankaasi maanta, sida ay mas’uuliyiinta degaanku u sheegeen idaacadda VOA.

Weerarradan ayaa imanaya maalin kadib markii ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen huteelka Elite ee ku yaalla Muqdishu. Ciidamada amniga ayaa soo af-jaray weerarkaas xalay iyaga oo dilay maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Laamaha amniga ayaa sheegay inay weerarka ku dhinteen 16 qof oo ay ku jiraan shan ka tirsan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Faahfaahinta wararkan ka dhageyso qeybtan hoose.

Weerar ka dhacay Baladxaawo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:51 0:00
Dagaal ka dhacay Goofgaduud
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:29 0:00

XS
SM
MD
LG