Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gedo: Qarax lala eegtay wasiirka waxbarashada DFS Cabdullaahi Goodax


Goodax
Goodax

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo ay uu la socday wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo xildhibaanno ka tirsan federaalka Soomaaliya.

Kolonyada ayaa la sheegya in qaraxa miinada lagula eegtay degaanka lagu magacaabo Uunsi oo 15km u jira Beled Xaawo.

Mas'uuliyin degaanka ah ayaa VOA u sheegay inuu bad qabo wasiirka. Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaay weerarkaas. Qofka dhaawacmay ayaa lagu sheegey Xildhibaan Cabdicasiis Dhega-qowl, oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah.

Kolonyada ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada Doolow ayna kusii jeedeen magaalada Beled Xaawo markii qaraxu dhacay.

XS
SM
MD
LG