Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay galabta gaareen halkaasi oo lagu wado in uu ka furmo wajiga 3-aad ee shirka Wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Waxaa kale oo Dhuusmareeb tagay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Shirka oo lagu waday in uu maanta bilaabmo ayaan qabsoomin, iyadoo madaxda Galmudug ay sababta dib u dhaca ku sheegeen mid dhinaca farsamada ah.
Waxaan weli tagin Dhuusamareeb madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle.
Macadda in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay shirkaasi tagi doonaan, maadaama xubnahoodii Guddigii Farsamada ee wajigi labaad ee shirka Dhuusamareeb lagu heshiiyay aysan u soo dirsan guddiga farsamada ee qodobada la rabo in shirkan wajiga 3-aad ee dhuusamareeb loga hadlo, gaar ahaan nooca doorashada iyo in waqtigeeda doorashada lagu qabto.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka hor inta aanu Dhuusamareeb u duulin khudbad ka hor jeediyay baarlamanka, isagoo u sheegay inuu ku soo celin doono Golaha Shacabka heshiis walba oo ay wada gaaraan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.