Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Wixii ka soo baxa Dhuusamareeb, baarlamaanka ayaan keeni doonaa


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey kulan ay lahaayeen Golaha Shacabka ayaa ka hadlay wadahadallada ku saabsan doorashada ee uu dhowaan kula yeeshay magaalada Dhuusamareeb madaxda dowlad-goboleedyada, iyo shirka loo ballansan yahay in uu ka dhaco isla magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka qeybgalayo wajiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb oo ujeedkiisu yahay in laga heshiiyo habka doorashada dalka.

Waxa uu ballan qaaday in heshiis walba oo ka soo baxa shirka dhowaan ka qabsoomi doona magaalada Dhuusamareeb uu ku soo celin doonno Golaha Shacabka.

“Waxaan idin caddeynayaa in Golaha Shacabku uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada. Go'aanka aad gaartaan waa in dalka oo dhan laga aqbalo, waxaanna idiin ballan qaadayaa in wixii ka soo baxa shirka Dhuusamareeb aan halkan idinkugu keeno," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wariyaha VOA, Cabduqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan noo soo diray.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Golaha Shacabka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00



XS
SM
MD
LG