Qoraal ka soo baxay saaxiibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay muhimadda ay leedahay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada ee loo ballansan yahay in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ay ka qeybgalaan dhammaan madaxda labada dhinac si loo sii ambaqaado “geeddi-socodka isfaham dhisidda ah ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon.”
Qoraalka ayaa lagu yiri “haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo.”
Saaxiibada Soomaaliya ayaa sheegay in maadaama muddo xileedka baarlamaaanka 10-aad uu ku egyahay bisha November ee sanadkan ay tahay in dhammaan saamileyda siyaasaddu ay ka heshiiyaan hannaan doorasho oo aan laheyn dib u dhac, sida ay hadalka u dhigeen.
“Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Saaxiibada Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka beesha caalamka ayaa looga digay in aanu dhinac kali ah isku koobin in uu si iskiis ah u abuuro hanaan doorasho oo aan lagala tashan dhamaan dhinacyada, taasi oo noqoneysa mid aan sharci aheyn, sida qoraalka lagu xusay.
“Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka,” ayaa lagu yiri.
Ugu danbeyn beesha caalamka ayaa ballan qaadday in ay diyaar la tahay taageero ay siiso shirka wadatashiga ee loo ballansan yahay inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb iyo howsha guddiyada farsamada ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee ka wada hadlaya hannaanka doorashada.