Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo farriin u diray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ku borineyso dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya inay isu tanasulaan oo ay go’aan mideysen ka qaataan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa laguna qabto waqtigeeda.

Fariin kooban oo la soo dhigay bogga twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri. “Mareykanku waxa uu ka dhursugayaa natiijada Shirka Sadexaad ee Dhuusamareeb."

Qoraalka ayaa lagu yiri “baahida loo qabo wada tashi balaaran iyo tanaasul daacadnimo ay ku dheehan tahay waxa ay muhiim u yihiin Soomaaliya.”

"Nooca doorasho ee qabsoomeysa waa inay taageero ka heshaa dowladda Federalka, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, iyo saamileyda kale ee siyaasadeed," ayaa lagu yiri qoraalka.

"Doorashadu waa inay waqtigeeda ku dhadcdaa, oo aanu kororsi dhicin,” ayaa lagu soo gabagabeeyay fariinta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Fariintan ayaa imaanaysa iyadoo madaxda Soomaalida ay ku ballansanyihiin sii amba qaadka shirkii Dhuusa Mareeb oo horey loo qorsheeyay inoo inuu dhaco 15-ka bishan.

XS
SM
MD
LG