Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsiyada yaryar ee Soomaaliya oo xaalad adag wajahaya


Marka laga yimaado dhibaatooyinka Caafimaad ee uu Soomaaliya u geystay xanuunka Covid-19 waxa uu sidoo kale saameyn adag ku yeeshay dhaqaalaha iyo ganacsiga, taas oo sababtay in dad fara badan uu hoos u dhaco dakhligii soo gali jiray.

Ganacsiyada yar yar ayaa hadda aad u liita, waxayna dadka ka shaqeeya dareemayaan walaac lixaad leh oo ku aaddan suuq xumada soo wajahday inuu ganacsiga uga burburo.

Wasaaradda maaliyadda ayaa horay u sheegtay in dhibaato xooggan uu dhaqaalaha dalka kala kulmay xayiraadaha ka jira caalamka, hase-ahaatee Soomaaliya oo hadda kasoo kabaneysa colaado ay ku jirtay tobannaan sano waxay dadka qabaan rajo ah iney dib uga kaban karaan culeyska hadda haysta, haddii dunida sidii hore kusoo laabato.

Sida warbixintan uu kusoo diray weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow.

Ganacsiyada yaryar ee Soomaaliya oo xaalad xun wajahaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00


XS
SM
MD
LG