Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii shacabka iyo Al-Shabaab


Waxaa deggan xaladda deegaanka Shabelow ee gobolka Mudug oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeyay malayshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, kaas oo sababay dhimashada 15 kamid ah dhinacyadii dagalamay.

Sagaal qof oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa dagaalkii shalay ku dhintay, sida ay dadka deegaanka u shegeen VOA. Waxaa sidoo kale la dilay 5 ka mid ah Al-Shababkii weerarka ku qaaday deegaanka Shabeelow.

Galinkii dambe ee shalay ayaa dhalinayaro hubaysan oo isu abaabulay qaab beeleed waxa ay markale weerar ku qadeen malayshiyaadkii Al-Shabaab ee weeraray deegaanka Shabeelow, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu soo gaaray Casir liiqii.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal ayaa wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaasi ka waraystay wariyaha VOA ee magaalada Gaalkacyo Cabdiwaaxid Maclin Isxaaq.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG