LONDON —
Jeneral Cabdiqaadir Cali Diiriye “Subxaanyo” oo muddo dheer ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shilkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho mas’uuliyad darro ay sabab u yihiin taliyayaasha Xabsiga dhexe ee Soomaaliya.
Mas’uuliyinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in 15 maxaabis ah ay ku dhinteen iska horimaadkii Isniintii ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana 7 kale oo maxaabiis ahna la dhaawacay, kadib markii maxaabiista qaar ay hub haleen kadibna weerareen ciidanka.
Jeneral Subxaanyo oo hadda ku sugan magaalada London ayaa u waramay Wariyeheena Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
Facebook Forum