Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada maxaabiistii ku dhintay weerarkii Xabsiga Dhexe oo korortay


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Mas’uuliyinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in 15 maxaabis ah ay ku dhinteen iska horimaadkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana 7 kale oo maxaabiis ahna la dhaawacay.

Taliska ciidanka asluubta yaa sidoo kale sheegay in afar askari ay dhinteen, mid kalena uu dhaawacay.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa sidoo kale u shegay VOA in Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga, lana xukumay 2014 isaga oo lagu xukumay toban sano oo xarig ah, uu ahaa maxbuuska ka baxsaday xabsiga.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in Mubaarak uu laba qof ku dilay bannaanka xabsiga markii uu sii baxsanayey.

Ciidnaku waxay sheegeen in xaaladda xabsiga ay sideedii hore kusoo laabatay.
Iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii maxaabistu ay hub gacanta ku dhigeen kadibna ay weerareen ciidamada xabsiga.

XS
SM
MD
LG