Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa lagu macneyn karaa weerarkii Xabsiga Dhexe?


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa xalay toogtay afar maxaabiis ahaa oo adeegsadnayey bastoolado iyo bambo oo weeraray ciidamada amniga ee ilaalada ka ah Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Laba ka tirsan mxaabiista oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka ayaa sidoo la qabtay iyaga oo dhaawac ah, sida ay sheegeen ilo dhinaca amniga ah.

Sidoo kale saddex ka tirsan ciidamada xabsiga ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaasi ay maxaabiista hubaysan soo qaadeen.

Weerarkan ayaa dhaliyey su’aalo badan oo ku saabsan sida maxaabiista ku helaan hubka. Haddaba maxaa lagu macneyn karaa weerarkaasi, mas’uuliyadda dhacdadaasise yaa leh.

Caasho Ibrahim ayaa su’aashaasi iyo kuwo kaleba weydiisay Xuseen Macalinn oo madax ka ah Machadka Dasaarsaadka Amniga Hiraal ee Magaalada Muqdisho, horeyna usoo noqday la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Maxaa lagu macneyn karaa weerarkii Xabsiga Dhexe?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00


XS
SM
MD
LG