Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaabiis Shabaab ah oo weerar ka dhex fuliyey Xabsiga Dhexe


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Rasaas ayaa laga maqlay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii maxaabiis la aamisan yahay in loo hayo falal argagixiso ay weerareen ilaalada xabsiga iyaga oo adeegsanaya bastoolad iyo bamboo gacmeed.

Ilo kala duwan ayaa u sheegay VOA in rasaastu ka dhacday xabsiga dhexdiisa, lana toogtay xubno ka tirsan ilaalada xabsiga. Ilo dhinaca amniga ah ayaa idaacadda VOA u sheegay in maxaabiis ku jirtay xabsiga ay hub gacanta ku dhinteen ayna la dagaalameen ciidamada asluubta.

Maxaabiistan ayaa la aamisan yahaya inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo magacisa codsaday inaan la sheegin waxa uu VOA u sheegay in ilaa afar ka tirsan maxaabiista oo u xukuman Al-Shabaab inay ka tirsan yihiin ay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday ilaalada xabsiga.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay qaybta xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xukuman xabsi daa’in. Cidamada amniga ayaa weli hawlgal ka wada xabsiga.

Ilaa haatan rasmi ahaan uma soo bixin khasaaraha ka dhashay rasaastan la isku weydaarsaday xabsiga dhexdiisa.

XS
SM
MD
LG