Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay


Xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab una qaybsanaa magaalooyin ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay hawlgal ay sameeyeen ciidamada dawladda Soomaaliya, sidaasi waxaa shaacisay wakaalada wararka ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ee SONNA.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Awdheegle, waxaana warbaahinta dawladda sheegtay in ninkaasi la dilay lagu magacaabi jiray Cusmaan Gaab.

Warbaahinta dawladda oo soo xiganaysa mas’uul ka tirsan taliska ciidanka ayaa sheegtay in ninka la beegsaday uu Al-Shabaab u qaabilsanaa degaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Daarsalaam.

Hawlgalka ayaa dhacay maalintii Axaddii sida ay wakaaladda SONNA kasoo xigatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

XS
SM
MD
LG