JOWHAR —
Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in culeyska ammaan ee ka jira waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho ay sabab u tahay Al-Shabaab badan oo kasoo cararay dagaallada Shabeellada Hoose oo soo galay Shabeellada dhexe.
Hase aheetee madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhaliilay in arrimaha siyaasadeed ay sabab u tahay ammaan darrida ka jirta waddadaas.
Waxa uu sheegay si loo xakameeyo xubnaha baarlamanka in loo dayacay ammaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo caasimadda maamulka HirShabeelle ee Jowhar.
Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan Muqdisho kasoo diray.
Facebook Forum