Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo billaabay


Waddada Afgooye
Waddada Afgooye

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dib u billwdayday dhismaha wajiga saddexaad ee dhameytirka waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Waddada ayaa waxaa sidoo kale laga laga howl-geliyey ciidamo dheeraad ah oo sugi doona ammaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhow jeer oo hore waxay waddadan ka fulisay weerarro dad badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tan iyo intii la bilaabay dhismaha waddada, taas oo sababtay in la joojiyo.

Inkastoo dib loo bilaabay dhismaha waddada, haddana wali waxaa jirta cabsida laga qabo suurtagalnimada ah in kooxda Al-Shabaab ay weerarro kale ku qaadi karaan shaqaalaha ku howlan mashruucan.

Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya dowladda Qatar.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab ayaa warbixintaan nooga diyaariyay.

Dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo billaabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:19 0:00



XS
SM
MD
LG