Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex dal 'oo faro-gelin ku haya' doorashada madaxweynaha Mareykanka


Ruushka, Shiinaha iyo Iran ayaa dhammaantood faro-gelinaya doorashada madaxweynaha Mareykanka, ayaga oo rajeynaya inay cod bixiyayaasha Mareykanka ka dhaadhiciyaan in musharaxa ay door bidayaan ay geeyaan Aqalka Cad, sida uu ka digay sarkaalka ugu sarreeya ka hortagga sirdoonka ee Washington.

Agaasimaha Xarunta ka hortagga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka William Evanina ayaa yiri in sirdoonka Mareykanka ay tilmaamayaan in saddexdan dal ay rabaan inay kala qeybiyaan Mareykanka, islamarkaana “waxyeeleeyaan kalsoonida dadka Mareykanka ay ku qabaan hanaankeena dimoqraadiyadeed.”

Hase yeeshee waxa uu sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay ku kala qeybsan yihiin midka ay doonayaan inuu ku guuleysto doorashada madaxweynaha ee November: Madaxweyne Donald Trump ama musharaxa la loolamaya ee dimoqraadiga Joe Biden.

“Waxaan qiimeyneynaa in Ruushka ay adeegsanayaan tallaabooyin dhowr ah oo ay ku sumcad tirayaan Joe Biden, iyo waxa ay u arkaan kuwa ka dhanka ah Ruushka,” ayuu Evanina ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Qaar ka mid ah jilayaasha Kremlin-ka ayaa sidoo kale isku dayaya inay baraha bulshada iyo taleefishinada Ruushka ku taageeraan musharaxnimada madaxweyne Trump,” ayuu intaas ku daray Evanina.

Waxa uu sheegay in Shiinaha iyo Iran ay u muuqdaan ayagana inay raadinayaan inay caawiyaan Joe Biden.

Isaga oo hadlayey saacado kadib, ayaa madaxweynaha wuxuu muran ka keenay qeybo ka mid ah qiimeynta bulshada sirdoonka.

“Qofka ugu dambeeya ee Ruushka ay doonayaan inay xafiiska ku arkaan waa Donald Trump, sababtoo ah ma jirto cid weligeed ugu adkeyd sida aan ugu adkaa Ruushka,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Naadiga Golf-ka ee Trump oo ku taalla magaalada Bedminster ee gobolka New Jersey.

XS
SM
MD
LG